Maxay ka dhigan tahay in aad tahay Larry Ellison?
1. Waxa aad ku dhalatay New York, deeto adiga oo yar ayuu kugu dhacay xanuun oof-wareen ah, oo ragaadiyay barbaariddaadii, deeto Hooyadaa baa kaa niyadjabtay, waxayna kugu wareejisay lammaane qaraabadeeda ah, si ay kuu korsadaan.
2. Aabbihii ku korsanayay waxa uu noqday, mid naxariis daran, oo aan wax jixinjix ah ku siin, kaasoo weliba ku niyad jabiya, kuuna sheega in aadan waxba noqoneyn. Hooyadii ku korsanaysayna waxa ay dhimatay adiga oo jaamacad ku jira, ilaa heer ay geeridaasi kalliftay in aad waxbarshadii jaamacaddaba ka hartid.
3. Ayaan ka dib, ayaad jaamacad kale bilowday, laakiin simistarkii koowaad ayaad uga hartay, ka dib markii ay waxbarashaduba kuu dhadhami weyday.
4. Waxa aad baratay xirfado kooban oo computer ka ah, markii aad shaqo heshayna, waad guursatay, deeto xaaskaagii ayaa kaaga tagtay ad-adkaan, iyo naxariis darro.
5. Adiga oo shaqaale ah, ayaad ogaatay xogo sheegaya, in ay wacnaan laheyd in la helo barograam xogta dawladda iyo kan gacansiyada isku agaasima, oo xiriirsan (relational database).
6. Deeto adiga iyo saaxiibbadaa ayaa u qalab qaatay in ay shirkad dhisaan. Waxaana aad shirkaddii ku aas-aasteen 2000 oo doolar, oo aad adigu 1200 bixisay. Waxaan aad shirkaddii u bixiseen Software Development Laboratories (SDL), shaqadiinuna waxa ay noqotay dhisidda barograam xogeed xiriirsan (building organized relational database).
7. Nasiib badnaan awgeed, adiga iyo saaxiibbadaa waxa aad heshiiskii shaqo ee u horeeyay la gasheen Hey'adda Sirdoonka Mareykanka ee loogu yeero CIA-da, oo waxa aad u dhisteen barnaamij database ah oo la dhaho, Oracle.
8. Maaddaama barograamkii aad CIA-da u dhisteen uu cajiib ahaa, waxa aad go'aansateen in aad ganacsiyadana u dhistaan database la nooc ah kaas hore, weliba waxa aad soo xaddeen magaca mashruucii aad CIA-da u qabateen, oo waxa aad shirkaddiinii u bixiseen, Oracle System Corporation.
9. Ugu danbeyn shirkaddii Oracle suuqa ayey kuu gashay. Laakiin cadaadis aad saartay shaqaaluhu in ay gaaraan yoolkooda oo sababay is dabo marin, iyo ku xisaabtamidda dakhli ka imaan doona shirkado heshiis lala galay, oo markii danbe ka baxay heshiiskii, iyo qaar ka mid ah wax-soosaarkaagii oo xumaaday, ayaa shirkaddaadii dhulka la lagay, waxaana ay sheekadaadu noqotay mid looga sheekeysto suuqa tignoolajiyadda ee Sillicon Valley, cid walbaana waxa ay kuu aragtay guuldareyste khasaaray.
10. Adiga oo khasaarahaas dhex ceegaaga, oo 80% ay dadku kaa ceshadeen saamiyadoodii, ayaad ka indho adeygtay is-dhiibid, waxaadna shaqada ka ceyrisay 400 oo shaqaale ah, waxaadna shaqaaleysiisay khubaro cusub, waxa aadna dhistay badeeco cusub (Oracle Version 7), si walbana waxa aad iskugu dayday in aad badbaadisid ganacsigaaga, waadna ku guuleysatay aakhirkii.
11. Markii uu ganacsigaagii suuqa ku soo laabtay ka dib, waxa aad eegtay dhammaan shirkadaha kula tartamaya oo dhan, deeto waxaad iibsatay shirkad walba oo culays tartar kugu heysay. Caqli walba oo kaa soo horjeedayna waxa aad ka dhigtay mid kula safan.
12. Sanado halgan ah ka dib, markii ay noloshu kuu kala kacday, oo wax badani kuu shaqeeyeen ayaad guursatay, deeto waxa aad qabkaaga dartiis camera man ahaan u shaqaaleysiisay madaxweynihii shirkadda Apple, Steve Jobs, oo ahaa ninka loogu hadal heynta badan yahay Sillicon Valley, iyo dunida tignoolajiyaddaba. Si aad u quudisid kibirkaaga, xaaskaagana aad ugu sameysid wax ay ku faanto.
13. Imminka magacaagu waa Larry Ellison, waxa aad tahay qof lagu yaqaanno geesinnimo, dhiirranaan, iyo tartan jaceyl, oo marka laga soo tago ganacsiga, waxa aad ka qeybgashaa ciyaaraha adag, ee laga cabsado, sida bushkuleetiga lagu kaxeeyo buuraha, saxiimadaha yaryar ee lagu ciyaarsiiyo hirarka badweynta, tartanka doomaha, iyo wadidda diyaaradaha dagaalka.
14. Xagga ganacsiga, waxa aad tahay nin ganacsigii uu la diriro, suuqa ka saara, oo cadaawaddaadu waxa ay ku gaarsiisay, in aad mararka qaar shaqaaleysiisid dad basaasiin ah, oo kuu soo sheega ceebaha shirkadaha tartanka kugu la jira, si aad uga weerartid dhanka ay ka jilicsan yihiin.